Qaraxyo ayaa markale lala beegsaday Kolanyada ciidamada Saliibiyiinta Kenya ee Todobaadkii Labaad ku socdaalaya wadada isku xirta deegaanka Dhoobley iyo degmada Afmadow oo ka wada tirsan Gobalka Jubbada Hoose.
Qaraxyadan waxaa kolanyada ciidamada Kenya looga gubay Labo gaari oo kala ah Nooca Xamuulka iyo mid Faarow ah waxaa sidoo kale qaraxyadan baqti iyo dhaawac ku noqday askartii la socotay Labadaasi gaari.
Weerardan qaraxyada ah ayay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin markale la beegsadeen ciidanka Saliibiyiinta Kenya oo ku socodaalayay wadada dheer ee isku xirta degmada Afmadow iyo deegaanka Dhoobleey.
Weeraradan kolanyadan Kenyaatiga ah lala beegsaday Todobaadkii Tagay waxaa looga gubay gaari dagaal waxaana looga dilay Dhaqtar Kenyaati ah iyo Sagaal askari oo isla ciidamada Kenya ah.