Wararka ka imaanaya gobalka Gaarisa oo ka mid ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somaliya ayaa sheegaya in qarax culus uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Qaraxa ayaa sigaar ah kaga dhacay deegaanka Amuume oo ka tirsan Gaarisa,waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo ka tirsan gobalkaasi.
Qaraxan waxaa lala beegsadya gaari Kooyal ah oo ay la socdeen askar ka tirsan Saliibiyiinta Kenya gabi ahaan gaariga isla goobta ayuu ku burburay,waxaa sidoo kale halaagsamay guud ahaan askartii Kenya ee la socotay gaarigaasi.
Qaraxan ka dhacay gobalka Gaarisa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo muddooyinkii dambe sii kordhisay weerarada ka dhanka ah Saliibiyiinta Kenya.
Calamada.com