Wararka ka imaanaya wadanka iiraan ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamada melleeteriga dowladda shiicada ah.
Xoogag jihaadi ah ayaa saaka aroortii hore weeraray saldhig ay ciidamada loo Yaqaan Baasiijka ay ku leeyihiin magaalada Tekh Shahar ee dhacda Koonfur Bari ee wadanka Iiraan,
Goob joogayaal ayaa sheegay in rag aad u hubeysan ay gudaha ugaleen saldhigga oo xilligaas ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil, telefeshinka ku hadla Afka xukuumadda Tahran ayaa sheegay in ugu yaraan hal askari lagu dilay weerarka halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.
Jamaacada Jihaadiga Jeyshul Cadli ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida lagu sheegay bayaan ay jamaacadu soo dhigtay baraha Internetka, Jeyshul Cadli ayaa u dagaallanta sidii dhulalka muslimiinta sunniga ah looga xureyn lahaa dowladda safawiyadda iiraan.