Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dhanaane ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in duhurnimadii maanta qarax aad u xoogan lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil sarsare oo ka tirsan DF.
Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka dhacay wadada u dhexeysa deegaanada Dhanaane iyo Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu burburiyey gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen saraakiil military.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada weerarkan ayaa xaqiijisay in qaraxaas ay ku dishay Korneel Cabdi Salaan Aadan Kurjow oo ahaa Abaanduulihii ciidanka loo yaqaano 12-ka April ee ciidanka DF, iyo Gaashaanle sare oo magaciisa lagu soo koobay Cadow iyo Saraakiil kale oo la socotay.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaas lagu dilay dhamaan ilaaladii la socotay saraakiisha laayey.
Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa ahaa Abaanduulihii lagu badalay General Cabdi Cali Jamaame oo ku dhintay qarax bilooyin ka hor ka dhacay isla deegaanadaasi.
General Jamaame oo ahaa Abaanduulihii ciidanka 12-ka April ayaa bishii Dec. ee 2018-kii lagu dilay qarax ka dhacay wadada u dhexeysa Jaziira iyo Dhanaane, waxaana kolkaas lala dilay General lagu magacaabo Cumar dheere oo ahaa taliyihii guud ee ciidankaasi
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sii laba jibaartay weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo Generaalada iyo Saraakiisha ugu firfircoon ee xukuumada Farmaajo
Shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Gaashaanle sare Cabdi Nuur Kadiye oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa ee ciidanka Military-ga kaas oo ka mid ahaa ku dhawaad 20 ruux oo isugu jirtay saraakiil, askar iyo shaqaale dowladeed oo lagu dilay qarax ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.