Qaraxyo lala beegsaday askarta dowladda Federaalka ayaa ka kala dhacay goobo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo faahfaahin laga helayo.
Qaraxa Kowaad waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Xaafadda Madiino ee magaalada Muqdisho waxaa qaraxan lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowladda Ridada waxaana ku dhaawacmay hal askari.
Qaraxa Kale ayaa ka dhacay isbaarada maleeshiyaatka dowladda Federaalka ay dhigteen Biyo Dega Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay Labo askari kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin.
Qaraxan ayaa imaanaya xilli ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowladda Ridada ee ay ka fulinayaan gudaha iyo duleedka magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.