Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyiinta Kenya kuwaasi oo kasoo baxay deegaanka Dhoobley kuna sii jeeda dhanka degmada Afmadow ee isla gobalka Jubbada Hoose.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Taabto iyo Qooqaani,iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano fog fog.
Qaraxa ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidka ay la socdeen Kolanyada Saliibiyiinta Kenya kaasi oo gabi ahaan burburay,sidoo kale qaraxa waxaa ku halaagsamay askartii Kenya ee gaarigaasi la socday.
Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah gaalada kusoo duushay dalka Somalia ayaa waxaa ku socda dhiig bax xoogan waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiinta sii kordhiyeen weerarada ka dhanka Saliibiyiinta Kenya ee ay ka fulinayaan gudaha dalalka Kenya iyo Somalia.
Calamada.com