Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si adag uga hortagay weerar habeen dheelmad ah oo ay ciidamada dowladda Mareykanka ku qaadi rabeen degmada Janaale oo katirsan degmooyinka shareecada islaamka lagu maamulo ee wilaayada.
Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaradaha Drone-ka ee dowladda Mareykanka ay duqeeyeen guryo dad shacab ah deganyihiin, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay fashilisay weerar habeen dheelmad ah oo ciidamo American ah doonayeen in ay ku qaadaan Janaale.
isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale ay ciidamada Mareykanka weerar fashil kusoo idlaaday ugu qaadeen deegaanka Bariire oo hoos yimaad degmada Afgooye ee Sh/hoose.