Qaraxyo kala duwan oo lala beegsaday maleeshiyaatka maamul gobaleedka isku magacaabay Jubbo-land ayaa ka kala dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Kismaayo.
Qaraxa hore oo ka dhacay gudaha magaalada waxaa lala beegsaday goob fariisin u aheed maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo.
Goob-joogayaal waxey sheegeen iney jirto khasaara nafeet oo maleeshiyaatka Axmed Madoobe kasoo gaartay qaraxaasi.
Weerarka Labaad oo isagana qarax ah waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo gaar ahaan agagaarka Buundada Warkooy kaasi oo lala beegsaday isla maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.
Qaraxa aya haleelay gaari Kooyal burbur xoogan ayaa soo gaaray gaariga sidoo kale maleeshiyaatkii la socday iyaguna dhimasho iyo dhaawac ayeey ku noqdeen.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah maamulka gaala raaca isku magacaabay Jubbo Land.
Calamada.com