Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa weerar duqeyn ah ku qaaday saldhig ciidamada dowladda Ridada Jabuuti ay ka sameysteen degmada Jalalaqsi ee Wilaayada Hiiraan oo dhacda Bartamaha dalka Somaliya.
Jugta Madaafiicda lagu garaacay Saldhiga ayaa si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo ka kala tirsan Wilaayaatka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.
Madaafiicda ayaa ku dhacay gudaha saldhiga waxeyna taasi sababtay khasaara Nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo wajahday askarta Murtadiinta Jabuuti ee ku sugan saldhigaasi.
Diyaarad Elecobtar ah ayaa soo caga dhigatay degmada Jalalaqsi taasi oo halkaasi ka qaaday tiro askar Jabuutiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeyntaasi.
Calamada.com