Qaraxyo khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay ayaa maanta siyaaba kala duwan uga dhacay degmooyin katirsan magaalada Muqdisho.
Wararka ka imaanaya wadada Warshadaha ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay maanta barqadii lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada AMISOM.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay afaafka hore ee Warshadda Baastada xilli halkaas ay marayeen kolonyo gaadiid ah, qaraxa ayaa haleelay gaari nuuca gaashaaman oo ay la socdeen ciidamada Uganda.
Daqiiqado kadib ayuu qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay haleelay gaari gaashaaman agagaarka halka loo yaqaan sagaalka guri ee isla wadada Warshadaha.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada la weeraray ay rasaas xooggan fureen qaraxyada kadib khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in ay ka dhasheen qaraxyadii maanta.
Dhinaca kale qarax xooggan ayaa lala beegsaday gaari uu lahaa mid kamida xildhibaannada maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed, qaraxa ayaa maanta duhurkii ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe waxaana la sheegay in uu ku dhintay darawalka gaariga islamarkaana kamid ahaa ciidamada ilaalada u ah ninka mas’uulka ah ee gaariga lahaa.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda dhammaan qaraxyadii maanta caasimadda ka dhacay sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.
Shalay ayay aheyd markii qarax ka dhacay xaafadda Say biyaano lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.