Tallaabo kedis ah oo aa aan horey loo filin ayay ku dhaqaaqday dowladda Kenya oo deris la ah dalka Soomaaliya, xoogna ku heysato gobolka NFD iyo qeybo kamid ah gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed loogu jaray dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.
Dowladda Kenya waxay ku amartay safiirka dowladda federaalka u fadhiya magaalada Nairoobi Maxmuud Axmad Nuur Tarsan inuu sida ugu dhaqsiyaha badan kaga baxo dalka Kenya, halka ay u wacday safiirkeeda ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Lucas Tumbo,.
Khilaafka soo kala dhexgalay dowladda Kenya iyo maamulka Farmaajo ayaa salka ku haya kheyraadka badda, kaas oo dhawaan xukuumadda Kheyre ay ku xaraashtey kulan ka dhacay magaalada London ee caasimadda Ingiriiska.
Kenya ayaa ku doodeysa iney iyadu leedahay qeyb kamid ah badda Soomaaliya, oo ay hadda xukuumadda federaalku ka xaraashtey shirkado Reer-galbeed ah oo baara kheyraadka.
Lama oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladan, waxaana dad badan oo Soomaaliyeed ay u arkaan dowladda Kenya iney tahay dowlad xoog ku heysata dhul ballaaran oo kamid ah Soomaaliya, hadana dooneysa iney la wareegto badeena.