Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha Ciidamada Shisheeyaha lagu gaarsiiyay qarax Saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday qeybo ka mid ah Wilaayada Shabeelada Hoose.
Qaraxan waxaa Ciidamada Kufaarta Afrikaanta lagula beegsaday inta u dhaxeysa Deegaanada Danow iyo Shalambood oo ka wada tirsan Shabeelada Hoose.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in qaraxa khasaara Nafeet iyo mid Hantiyadeed lagu gaarsiiyay Askarta Kufaarta Afrikaanta.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli Shan iyo Labaatan ka tirsan Askarta Kufaarta Kenya ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Mandheere oo ka mid ah Dhulka Kenya xooga kaga heysata Somalia.
Calamada.com