Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka ayaa si bareer ah duleedka Magaalada Muqdisho ugu dilay Wiil Dhalin yaro ah oo Shacab ahaa.
Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Weydow oo ka mid ah deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha, Waxeyna Maleeshiyaatka Dowladda Ridada deegaanka ku dileen Wiilka Dhalinyarada oo Wade ka ahaa Mooto Bajaaj.
Maleeshiyaatka Dowladda Ridada ayaa xilligii ay dileen ninka Darawalka ka ah Moota Bajaajta waxey la socdeen Gaari Cabdi Bile ah, Markii ay Wiilka dileen socodkoodii ayey iska sii wateen.
Meydka Cali Muxamed waxa goobta ka qaaday qaar ka mid ah Ehaladiisa oo goobta soo gaaray, Dilkan waxa uu imaanayaa xilli Maleeshiyaatka Dowladda Ridada sii kordhiyeen dilalka Bareerka ah ee ay u geysanayaan Wadayaasha Mooto Bajaajta.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.