Weerarkan qorsheysan waxey Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Islaamiga Shabeelada Hoose ku qaadeen isbaaro Maleeshiyaatka Murtadiinta ay dhigteen Duleedka Degmada Afgooye ee Wilaayadaasi.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiha ka weeraray Isbaaradan oo ah Isbaaro Maleeshiyaatka Murtadiinta ay si aad ah ugu dhibaateeyaan Dadka iyo Gaadiidka Shacabka, Iyadoona weerarka markii uu muddo kooban socday ayey Maleeshiyaatka Murtadiinta isaga carareen Goobtaasi Isbaarada ah.
Inta la xaqiijiyay weerarkan qorsheysan waxey Ciidamada Mujaahidiinta ku dileen Hal askari oo Murtad ah kaasi oo sidoo kale ay kasoo furteen oo ay ka qaniimeysteen Qorigii uu ku hubeysnaay.
Weerarkan qorsheysan ee ka dhacay duleedka degmada Afgooye ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay qarax ka dhacay duleedka Degmada Wallanweyn ee isla Wilaayada Shabeelada Hoose Mujaahidiinta ay ku gubeen Gaari Booyad ah taasi oo ay lahaayeen Maleeshiyaatka Murtadiinta gaar ahaan kuwa Bangarafta ee ay sida gaarka ah u tababaratay Dowladda Saliibiyadda Mareykanka.
Wilaayada Shabeelada Hoose ayaa ka mid ah Goobaha sida aadka ah loogu dhiig bixiyo Kufaarta Iyo Murtadiinta Duulaanka Shareeco la dirirka ah kusoo qaaday Wilaayaatka Islaamiga Dalka Somalia.
Xigasho Idaacadda Islaamiga Andalus.
Calamada.com