Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Weerar qorsheysan oo Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ka fuliyeen Duleedka Magaalada Kismaayo ee Wilaayada Jubbooyinka.
Weerarkan qorsheysan oo ah Qarax waxey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen Maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta gaar ahaan kuwa Bangarafta ee sida gaarka ah ay u tababaratay Dowladda Saliibiyadda Mareykanka.
Qaraxa ayaa haleelay oo waxyeelo xoogan gaarsiiyay Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Murtadiinta Bangarafta, Iyadoo qaraxan sidoo kale uu ku dhintay Hal Askari Labo kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo gabi ahaantooda ah Bangarafta.
Maleeshiyaatka Mareykanka Tababartay ee Qaraxa lagula beegsaday Duleedka Kismaayo ayaa iyagoo jiidanaya gaariga Qaraxa uu ka heelalay iyo Meydka iyo Dhaawacyada Askartooda dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo oo markii hore ay kasoo baxeen.
Calamada.com