Iska hor’imaad khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa magaalada Hargeysa ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan maamulka isku magacaabay ‘Somaliland’.
Wararka ka imaanaya Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada booliska maamulka ‘Somaliland’ ay ku dagaallameen gacan ku heynta dhul kuyaal mid kamida xaafadaha ugu caansan Hargeysa.
Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada Booliska ayaa dhintay 2 qof shacab ahna dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay ciidamadu muddo daqiiqada ah rasaas is weydaarsanayeen.
Goob joogayaal ayaa sheegay in iska hor’imaadka lagu dilay sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Ina Daadeys, dhulka ay ciidamadu ku dagaallameen ayaa kuyaal xaafadda Maxamed Mooge waana dhul uu maamulka ‘Somaliland’ horay usiiyay saraakiisha ciidamada Booliska.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in lakala qaaday askartii dagaallantay balse waxaa baxsaday askarigii falka dilka ah ugeystay sarkaalka katirsanaa ciidamada Booliska, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Muuse Biixi madaxda ka yahay ee kajira magaalada Hargeysa.