Wararka ka imaanaya Dhulka Somali Galbeed ee ay xooga ku heysata Dowladda Xabashida Itoobiya waxey sheegayaan in deegaan ka tirsan Dhulkaasi uu ka dhacay Shil Gaari kaasi oo faahfaahin laga helayo.
Shilkan Gaari waxa uu sigaar ah kaga dhacay duleedka degmada Godey oo ka mid ah Dhulka Somali Galbeed, Waxa uu shilkan yimid kadib markii uu rogmaday Bas ay la socdeen Dad Shacab ah.
Gaariga rogmaday ayaa ka baxay Degmada Godey waxa uuna ku sii jeeday dhanka Magaalada Jigjiga, Waxaana Inta la xaqiijiyay Shilkan gaari ku dhintay Saddex Ruux oo isugu jira Labo Rag ah iyo Qof Haweeney ah.
Sidoo kale Tiro dad shacab ah oo Baska la socday ayaa ku dhaawacmay Shilkan gaari, Waxaana dadkaasi dhaawacmay la dhigay Isbitaalka guud ee degmada Godeey.
Dhulka Somali Galbeed Waxa uu ka mid ah Goobaha ay ka dhacaan Shilalka Gawaarida ee ugu Khasaaraha Badan, Waxaana Arintaasi sabab looga dhigayaa Darawalada oo Xawaare sare ku kaxeeya Gaadiidka iyo Burbur xoogan oo ka jira Waddooyinka Dhulkaasi ku hoos jira Gumeysiga Xabashida Itoobiya.
Calamada.com