Qarax culus ayaa ka dhacay gudaha Degmada Balcad oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada Dhexe kaasi oo faahfaahin laga helayo.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay Goob fariisin u ah Maleeshiyaatka Maamulka Gaala raaca isku magacaabay Hirshabeelle, Iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay gudaha iyo duleedka Degmadaasi.
Dadka Deegaanka waxey xaqiijiyeen in qaraxaasi uu sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaartay Askartii Maamulka Hirshabeelle ee xilliga weerarka ku sugnaay goobtaasi.
Qaraxan ka dhacay Degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada Dhexe ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay Weeraro lagu gubay Gaadiid dagaal askar isugu jirta Kufaarta iyo Murtadiintana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ka dhaceen gooba kala duwan oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Calamada.com