Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorshaysan oo ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay shalay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan ay deegaan hoos yimaad Baardheere ku dileen Sarkaal Jaasuus ah oo u shaqeynayay dowladaha reergalbeedka.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarku ahaa mid udhacay sidii loogu talagalay “Mujaahidiina ayaa duleedka Baardheere ku dilay Jaasuus u shaqeynayay reergalbeedka oo lagu magacaabi jiray Aadan Barre Kamas gaarigii uu watayna waa lagasoo qaniimeystay” ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus.
Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa gacanta ku haya ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaad dabadhilifyo ah balse dhammaan deegaannada hoos yimaad magaalada waxaa gacanta ku haya Al Shabaab oo awood buuxda ku leh dhammaan degmooyinka iyo deegaannada gobolka.