Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saaka cagta mariyeen saldhiga maleeshiyaatka dowlada federaalka ay ka sameysteen deegaanka Qalimow oo ah deegaan u dhaxeeya degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee Wilaayada Shabeelada dhexe.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiha ka weeraray saldhiga waxaana jirto khasaara xoogan oo askarta dowladda Ridada federaalka lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta saldhiga, Waxaana halkaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday saraakiil iyo askar fara badan oo kooxda Ridada ah.
Inta la xaqiijiyay ciidamada Mujaahidiinta waxey weerarkaas ku dileen (13) Saddex iyo Toban askari oo ka tirsan dowlada Federaalka kuwaasi oo ay ku jiraan Labo sarkaal oo lagu kala magacaabo.
1-Indhabuur oo ah Saddex Xiddigle Taliye Urur ah.
2-Jilibeey oo isaguna ka tirsanaa saraakiisha dowladda Ridada gaar ahaan kuwii ku sugnaa saldhiga Qalimow.
Sidoo kale weerarkan culus ee saaka cagta lagu mariyay saldhiga Qalimow waxaa lagu dhaawacay Saddex Murtadiin uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Leesh kaasi oo ah Saddex Xiddigle taliye Urur.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerarkan ku gubay hal gaari waxeyna Ganiimeysteen Hub aad u fara badan iyo saanado kale oo kuwa ciidanka ah.
Intii uu socday weerarkan culus ee cagta lagu mariyay saldhiga Qalimow waxey sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta weeraro isugu jira Hoobiyaal iyo dagaal toos ah ku qaadeen saldhigyada Ridada ee deegaanka Garsaalo oo u dhexeysa Jowhar iyo Qalimow iyo xerada ilbaq oo u dhexeysa Ceelka Geeloow iyo Balcad, Waxaa jirto khasaara sidoo kale Murtadiinta lagu gaarsiiyay Labadan weerar.
Calamada.com