Wararka ka imaanaya dalka Nigeria waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah dalkaas uu ka dhacay weerar culus oo khasaara xoogan lagu gaarsiiyay dowladda dalkaas.
Weerarkan culus ayaa ka dhacay gobalka Kaduna oo dhaca bartamaha dalka Nigeria, Waxaa weerarkan lala beegsaday ciidamada dowlada daba dhilifka dalkaas.
Weerarkan culus waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday (34) Soddon iyo Afar askari oo ah kuwa dowladda Nigeria, Sidoo kale raggii weerarkan culus fuliyay ayaa burburiyay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dowladda Nayjeeriya.
Mas’uuliyadda weerarkan culus ee ka dhacay dalka Nigeria waxaa sheegtay Mujaahidiinta Jamaacada Ansaarul Islaam Fii Bilaadi Suudaan oo ah Mujaahidiin taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah Faraca dhulka Bilaadul Magribil Islaam.
Mujaahidiintan ayaa dhowr jeer howlgalo kala duwan oo khasaara lagu gaarsiiyay dowladda Nigeria ka fuliyay goobo kala duwan oo ka tirsan dalkaas.
Calamada.com