Wararka imaanaya wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab fuliyeen howlgal gaar ah oo oo lagu beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.
Weerarka oo ka dhacay duleedka degmada Waajid ee Bakool ayaa lagu dilay ugu yaraan Labo askari oo Itoobiyaan ah, iyadoo laga furtay qori Shaamshuutar ah iyo mid kale oo AK ah.
Wararka qaar ee la helayo ayaa tibaaxaya in askarta itoobiyaanka ah ee la dilay ay ka leexdeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ay la socdeen, islamarkaana doonayeen iney u goostaan dhanka Soomaali galbeed oo ay sidaas ku gaaraan wadankooda.
Bakool waxay kamid tahay meelaha ay ku suganyihiin ciidamada Itoobiyaanka ah, waxaana xarunta gobolkaas ee Xudur iyo dhowr degmaba jooga ciidamo Xabashi ah oo dhibaato ku haya bulshada.