Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar barakeysan oo saaka aroortii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay kula jarmaadeen xerada Ceel-saliini ee duleedka magaalada Marka ee Wilaayada Shabeelada hoose.
Weerarkan ayaa khasaara xoogan oo naf iyo maal ah lagu gaarsiiyay maleeshiyaatkii dowladda Ridada federaalka ee ku sugnaa xeradaas.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas qorsheysan lagu dilay (41) Afartan iyo Kow askari oo ah maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerarkan ku gubay Afar gaari waxeyna gacanta ku dhigeen Labo gaari iyo hub fara badan.
Dhacdadan ayaa ka dhigan dharbaaxo weyn oo ku dhacday ciidanka dowlada Ridada Farmaajo mana ahan markii ugu horreysay ee cagta la mariyo xerada Ceelsaliini.
Calamada.com