Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey saacadihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan ka kala fuliyeen duleedyada Magaalooyinka Gaarisa, Ceelwaaq iyo magaalada Kismaayo.
Dhanka Gaarisa Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen deegaanka lagu magacaabo Goorisa oo hoos yimaad magaalada Gaarisa.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu beegsaday ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa loo yaqaan KPR oo ah ciidamo ay dowladda Kenya ugu talagashay in ay ku gummeysato shacabka Soomaaliyeed ee NFD.
Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarka lagu burburiyay saldhigga ciidanka Kenya Goorisa iyo gaari melleteri oo dhaxyiilay balse lama oga khasaaraha nafeed ee gaaray askartii ku sugneed goobta weerarku ka dhacay.
Dhanka degmada Ceelwaaq waxey ciidamada Mujaahidiinta weerar qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Dabaasiti oo hoos taga degmada Ceelwaaq Kenya ee ku taala xad beenaadka u dhaxeeya Kenya iyo Somalia.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gudaha u galay deegaanka waxeyna gabi ahaan burburiyeen xarunta deegaankaas ee shirkada Safaricom oo ah shirkad ay leedahay dowladda Saliibiyadda Kenya.
Dhanka duleedka magaalada Kismaayo ee Wilaayada Jubbooyinka waxey Mujaahidiinta weerarkan ka fuliyeen deegaanka Baar San-guuni ee Kismaayo hoostaga waxeyna halkaas ku dhaawaceen hal askari oo ka tirsan Ridada Jubbo-land.