War rasmi ah oo kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba sanadkan la joojiyay safaradii Cumarada ee tagi jiray dhulalka barakaysan.
Boqortooyada Aala Sacuud waxay sheegtay in go’aankan ay qaadatay si ay uga feejignaato in cudurka dilaaga Carona uu ku faafo bulshada dhaxdeeda.
Shirkadaha duulimaadyada ee caalamka kasoo daad gurayn jiray muslimiinta Cumarada utagaya dhulka Xarameynka ayaa lagu wargeliyay in si KMG ah loo joojiyay Cumarada.
Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in rukhsooyinkii dalku galka ay kala laabanayso dadka haysta baasaboorada dowladaha Khaliijka kuwaas oo si caadi ah safarro ugu tagi jiray dhulka Xamarameynka.
Wadamo badan oo katirsan caalamka Islaamka ayuu ka dilaacay Carona Virus waxaana kamid ah kuwa dhaca dhulka Jaziiradda Carabta.