Fagaare kuyaal degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose waxaa shalay gelinkii dambe kka dhacay xukun Qisaas ah oo lagu fuliyay nin gacan ku dhiigle ahaa oo horay qof udilay.
Maxkamadda Islaamiga wilaayada Jubbooyinka ayaa xukun dil ah ku fuliysay Soomoow Sanweyne oo horay udilay nin lagu magacaabi jiray Axmed Cabdullaahi.
Qaadiga maxkamadda Islaamiga ah oo xukunka goob fagaare ah ka akhriyay ayaa sheegay in Soomoow uu si bareer ah u dilay Axmed Cabdullaahi kadibna ay maxkamadda usoo dacwoodeen dadka leh dhiigga Axmed waxayna dalbadeen qisaas sidaas ayuuna ku xukunku udhacay.
Gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa kajira maamullo islaami ah oo tadbiiqiya ku dhaqanka shareecada Islaamka arrinkaas oo sababay in shacabku ay helaana amni iyo kala dambayn dhammeystiran.