Bayaan kasoo baxay hoggaanka guud ee Urur weynaha Al Qaacidda ayaa lagu bogaadiyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhowaan ay magaalada Dooxa ee dalka Qadar ay ku saxiixdeen Imaarada Islaamiga Afghanistan iyo dowladda Mareykanka.
Mujaahidiinta Al Qaacidda ayaa bayaan sedax Page ka kooban si qota dheer uga hadlay nuxurka heshiiskii dhaxmaray Taliban iyo Mareykanka, bayaanka oo ciwaan looga dhigay {إِنَّا فَتَحْنَا لَكَ فَتْحًا مُّبِينًا} ayaa ugu horrayn imaarada Islaamiga ah iyo shacabka muslimka Afghanistan ugu hambalyeeyay guusha weyn oo ay ka gaareen jihaadka ay kula jiraan Mareykanka iyo xulufadiisa.
Al Qaacidda waxay ugu baaqday muslimiinta caalamka in ay taageero isla barbartaagaan Imaarada Islaamiga Afghanistan (Taliban) ayna kala shaqeeyaan sidii dib loogu yagleeli lahaa dowladdii Islaamiga aheyd ee cadowgu uu burburiyay sanaddii 2001, kolkaas oo duullaan saliibi ah lagu qaaday dalka Afghanistan.
Hoggaanka Al Qaacidda ayaa mujaahidiinta ka halgamaysa wadanka Afghanistan ugu baaqay in ay adkeeyaan heshiiskii Mareykanka lala galay waxaana looga digay in ay qaadaan wax walba oo burrin kara heshiskaas taariikhiga ah ee sanka dhulka loogu jiiday Mareykanka.
Al Qaacidda waxay sheegtay in qabweynidii Mareykanka ay ku hor burburtay caalamka markii uu horraantii bishaan Imaarada Islaamiga ah heshiis dhigaya bixitaan uu kula saxiiday magaalada Dooxa ee dalka Qadar.
Shacabka Afghanistan ayaa loogu baaqay in uu imaarada Islaamiga ah kala shaqeeyo dib udhiska wadanka iyo sidii bulshada gummeystuhu dhibaateeyay horumar iyo barwaaqo loo gaarsiin lahaa.
Boggaadintan katimid Ururka Al Qaacidda ayaa imaanaysa iyadoo caalamka islaamka laga hadal hayo heshiiskii Dooxa ee dhigayay in ciidamada Mareykanka badankood ay isaga baxaan Afghanistan 135 maalmod gudahood taas bedelkeedna Taliban ay joojiso weerarada ka dhanka ah Mareykanka.
Sidoo kale heshiisku wuxuu dhigayaa in labada dhinac isdhaafsadaan dhammaan maxaabiista ay iska hayaan waxaana lago’aamiyay in 14 bilood gudahood ay ciidanka American-ka uga dhammaadaan waxanka Afghanistan oo ay 19 sanadood ka hor ku duuleen.