Wararka ka imaanaya Wilaayada Gedo waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah Wilaayadaas uu ka dhacay qarax khasaara lagu gaarsiiyay askarta Xabashida Itoobiya.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay degmada Garbahaarey waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada iyo deegaanada hoostaga.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku baqtiyay Labo askari oo Xabashida Itoobiya ah waxaana ku dhaawacmay Afar kale oo isla Kufaarta Xabashida Itoobiya ah.
Qaraxan ka dhacay degmada Garbahaarey ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay weerar Mujaahidiinta ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee Wilaayada Shabeelada hoose ay ku dhaawacmeen Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka kooxda Ridada Somalia.
Calamada.com