Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda federaalka.
Howlgalkan dilka ah oo ka dhacay degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa lagu dilay sarkaal magaciisa lagu soo koobay Facow.
Raga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah uga tagay, waxaana meydka sarkaalka goor dambe goobta ka qaaday ciidamo katirsan Dowladda federaalka.
Sidoo kale weerar qorsheysan ayaa ka dhacay Sarkuusta oo u dhow isgoyska Ex Controol Afgooye ayaa waxaa lagu dilay askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Dhinaca kale degmooyin iyo deegaano ka tirsan Wilaayada Shabeelada hoose waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo lala beegsaday maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Qaraxa koobaad waxa uu ka dhacay nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lala eegtay sarkaal iyo askari la socday oo saarnaa Mooto.
Waxaa qaraxa ku dhintay sarkaalka oo laba xidigle ah laguna magacaabi jiray Xasan Faarax, iyo askarigii la socday oo la oran jiray Cusmaan Jawaarey, mootada ay wateenna way burburtay.
Sidoo kale qarax ayaa ka dhacay degmada Afgooye, kaas oo lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda federaalka, askarina ayaana ku dhaawacmey.
Qarax kale oo ka dhacay deegaanka Shalambood ayaa isagana waxaa ku dhaawacmey askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax ka dhacay xaafadda Tarabuunka lagu dilay taliyihii saadka guutada 12-ka April iyo 2 askari oo ilaala u ahaa, waxaa muuqata in weerarada Al Shabaab ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay sare usii kacayaan.
waan ku farxasnahay