Diyaraadaha duuliye la’aanta dowladda Saliibiyadda Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay suldaankii beesha Jareerweyne ee Jubbooyinka Suldaan Cabaas Muxamed Xaaji.
Duqeyntan waxey diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen duleedka degmada Kabsuumo ee Wilaayada Jubbooyinka waxeyna suldaanka ay duqeeyeen xilli gaari la socday.
Suldaanka diyaaradaha Mareykanka duqeynta ku dileen ayaa ahaa suldaan caan ku ahaa taakuleynta dadka Masaakiinta ah ee aan waxbo heysan iyo kuwa ay saameeyaan Fatahaadaha Wabiga Jubbo ee dhexmara Wilaayada Jubbooyinka.
Duqeyntaan diyaaradaha duuliye la,aanta dowladda Saliibiyadda Mareykanka ay ku dishay suldaankii beesha Jareerweyne ee Jubbooyinka Suldaan Cabaas Muxamed Xaaji ayaa kusoo aadeysa xilli maalmo ka hor diyaaradaha Mareykanka duqeyn ay ka fuliyeen gudaha degmada Jilib ee Jubbooyinka ay ku dileen Saddex ruux oo shacab ah, Waxeyna ku dhaawaceen wiil yar oo Afar Sano jir ah.
Halkan Ka Daawo Sawirrada Suldaan Cabbaas Muxamed Xaaji oo Caawinaya Dad Fatahaada Wabiga Uu Saameeyay.
Calamada.com
Alle haw naxaristo suldanka Samir iyo Iman alle ha ka siiyo eheladii iyo qarabadii uu ka baxay