Mid kamida xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaal magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Aadan Xasan Cali oo ahaa Xoghayihii guddiga maaliyadda baarlamaanka ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaalka Turkiga ee Yardimeeli, Ninkan dhintay ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay cudurka macaanka iyo Kilya xanuunka.
Mas’uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Federaalka ayaa tacziyeeyay geerida ku timid Xildhibaankan oo caan ku ahaa magaca Aadan Moobleen, ma ahan markii ugu horraysay oo xildhibaan katirsan baarlamaanka dowladda uu Muqdisho ku dhinto.