Jugta qaraxyo is xigxigay ayaa caawa maqribkii laga maqlay dhanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Weerar loo adeegsaday madaafiic ayay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ku qaadeen gegida diyaaradaha magaalada Xaramar oo hareeraheeda ay kuyaallaan xarumo ay ku suganyihiin ciidamo shisheeye ammaankoodana si aada ah loo adkeeyo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in maqleen dhowr qarax oo la aaminsanyahay in ay ka dhasheen madaafiic hoobiyaal ah oo garoonka lagu weeraray, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in 9 madfac ay ku weerareen garoonka.
“Mujaahidiinta ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho,9 madfac ayaa lagu weeraray garoonka 7 kamid ah madaafiicda ayaa gudaha ku dhacay halka laba madfac ay iridda ku dhaceen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Ma ahan markii ugu horraysay ee xoogagan jihaadiga ah ay weerar ku qaadaan xarumo xasaasi ah oo amnigooda ay gacanta ku hayaan ciidamo shisheeye kuwaas oo kuyaal gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.