Waraka ka imaanaya degmada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxey sheegayaan in halkaas uu ka dhacay iska hor’imaad sababay khasaara kala duwan.
Maleeshiyaat ka wada tirsan maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Puntland ayaa halkaasi ku dagaalamay, Waxa uu iska hor’imaadkan sigaar ah u dhexmaray maleeshiyaat ka amar qaata madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo maleeshiyaat kale oo isla kuwa maamulkaas ah.
Inta la xaqiijiyay iska hor’imaadkan waxey maleeshiyaatkaas isaga dileen Labo askari Afar kalane weey isaga dhaawaceen kuwaasi oo u badan ilaalada gaarka ee madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.
Maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ayaa ka mid ah maamulada dowladda Xabashida Itoobiya ay ka dhisatay gudaha dalka Somalia.
Calamada.com