Wararka ka imaanaya Wilaayada Shabeellada hoose ayaa sheegaya in saakay waaberigii qaraxyo aad u waaweyn lagu weeraray saldhig ay deganyihiin ciidamada shisheeye ee Amisom isku magacaabay.
Saldhiga la weeraray ayaa waxaa deganaa ciidamada shisheeyaha ah ee kasoo jeeda wadanka Yugaandha, waxaa uuna ku yaallaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe.
Labada qarax ee lagu weeraray saldhiga ciidamada Yugaandha ee garoonka Baraawe ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kuwaas oo beegsaday ciidamadii shisheeyaha ahaa ee halkaas ku sugnaa.
Qaraxyada ayaa khasaare dhimasho iyo dhaawac ah iyo burbur hantiyeedba gaarsiiyay ciidamadii lagu weeraray, kuwaas oo intoodii ka badbaaday qaraxyada ay rasaas aad u farabadan fureen goobtiina gabi ahaanba xireen.
Garoonka diyaaradaha Baraawe ayaa dhawaan waxaa dhisay Midowga Yurub si ciidamada shisheeyaha ah ee xoogga ku jooga Baraawe loogu gaarsiiyo sahayda ay u baahanyihiin iyadoo diyaarado loogu daabulayo kadib markii ay ka quusteen inay wadooyinka dhulka ah isticmaalaan weerarada kaga imaanaya dagaalyahana Mujaahidiinta Al-Shabaab daraadood.
Labada Qarax ee saakay lagu weeraray saldhigga ciidamada Yugaandha ee Baraawe ayaa waxaa masuuliyadooda sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.