Rag hubeysan oo ka tirsan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey agagaarka xerada Asluubta ee magaaladan Muqdisho ku dileen askari ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay askariga Murtadka ah waxeyna ka ganiimeysteen oo ay horay usii qaateen qori uu ku hubeysaa askari.
Sidoo kale xaafada Xoosh ee magaaladan Muqdisho waxaa qarax lagula beegsaday gaari ay la socdeen askarta dowlada Ridada gaar ahaan qeybta Booliska.
Qaraxa oo dhawaaqiisa laga maqlay xaafado Muqdisho ka tirsan ayaa sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo wajahday askartii Booliska ee qaraxa lala beegsaday.
Dilka iyo qaraxa ka dhacay magaaladan Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli katiibada Muxamed Bin Maslamah ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta ee ay ka fulinayaan gudaha magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.