Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee Wilaayada Jubbooyinka.
Weerarka oo dagaal toos ah ayeey ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Jubbo-land ay dhigteen agagaarka deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaaladaas.
Inta la xaqiijiyay ciidamada Mujaahidiinta waxey weerarkan ku dileen Labo askari oo Murtadiin ah Labo kalane weey ku dhaawaceen.
Sidoo kale waxey ciidamada Mujaahidiinta soo ganiimeysteen hub iyo agab ciidan oo maleeshiyaatka Ridada goobta kaga carareen.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Mujaahidiinta howlgal ay ka fuliyeen agagaarka deegaanka Numbar-60 ee Wilaayada Shabeelada hoose ay ku dileen Murtad lagu magacaabi jiray Abshir Gaay-gaay oo ka tirsanaa guutada 12-aad ee kooxda Ridada waxeyna askarigaas Mujaahidiinta ka ganiimeysteen qori iyo boosh uu ku hubeysnaa.
Calamada.com