Bayaan kasoo baxay xafiiska siyaasada iyo Wilaayaatka Xarakada Al-Shabaab ayaa bayaan uu soo saaray waa ku magacaabay guddo loogu talagalay La socodka xaalada cudurka Karoona Virus xilli uu cudurka ku faafayo gobollada ku dhaw dhaw Wilaayaatka Islaamiga ah.
Inkastoo weli aanan Wilaayaatka Islaamiga ah laga soo sheegin cudurka Karoona Virus ayaa hadana dhanka kale waxaa jira dad aad u farabadan oo isbuucyadii lasoo dhaafay aad ugu soo qulqulayay wilaayaatka Islaamiga ah kuwaas oo kasoo tegaya magaalooyinka cudurka laga sheegay sida Muqdisho, Jowhar iyo Kismaayo.
Bayaanka ayaa wuxuu u qornaa sidan “Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee kusoo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Korona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacalladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada iyo Wilaayaatka ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin”.
Guddigan oo ka kooban todoba xubnood oo iskugu jira dhakhaatiir, culumo iyo waxgarad, ayaa waxaa loo xilsaaray in ay ka hawlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad ee Wilaayaatka iyo ka talabixinta hadba wixii soo kordha.
Gudiga Lasocodka Xaalada Cudurka Karoona ee Wilaayaadka Islaamiga wuxuu shaqo bilaabayaa marka uu soo baxo bayaanka ogeysiinta ah.