Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gaar ahaan Katiibada Muxamed Binu Maslamah ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay gudaha magaaladan Muqdisho.
Howlgalkan gaarka ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho waxeyna ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaatka kooxda Ridada gaar ahaan kuwa Jawaasiista dharcadka.
Murtadka ay Mujaahidiinta ku dileen suuqa Bakaaraha ayaa lagu magacaabi jiray Liibaan Bashiir kaasi oo shaqo ka dhigtay dhibaateynta dadka Muslimiinta.
Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli qarax ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaaladan Caasimadda ah lagu dilay Labo Murtad oo mid sarkaal uu ahaa kuwaasi oo xilliga la qarxinayay la socday gaari Runeed ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.