Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Sh/hoose ayaa sheegaya in toogasho ka dhacday gudaha degmadaas lagu dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda, askariga ladilay oo caan ka ahaa deegaanka ayaa lagu magacaabi jiray (Afqashin).
Sidoo kale qarax ayaa gudaha magaalada Marka ee isla Wilaayada Shabeelada hoose lagula beegsaday maleeshiyaat ka tirsan kooxda Ridada Somalia waxa uu qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askarta Murtadiinta.
Dhinaca kale xildhibaan katirsan maamulka Hirshabelle ayaa ka badbaaday isku day dil, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay qaraxyo ku weerareen guri uu xildhibaankani ka deganaa degmada Balcad ee Sh/dhexe.
Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM tan iyo markii ay bilatay bisha Barakaysan ee Ramadaan.