Magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa ku dhintay mas’uul sare oo katirsana amaamulka isku magacaabay Puntland.
Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ahaa wasiirkii deegaanka maamulka Saciid Deni ayaa ku dhintay isbitaal ku yaal magaalada Garowe sida uu xaqiijiyay afhayeenka ‘Puntland’.
Wasiirka dhintay ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay caabuqa halista ah ee Covid19 wuxuuna ku jiray xaalad karaantiil ah.
Saciid Deni oo isna warbaahinta lahadlay ayaa xaqiijiyay geerida wasiirkii deegaanka isagoo tacsi udiray ehelladii uu ka dhintay, waa mas’uulkii ugu horreeyay ee magaalada Garoowe ugu dhinta Carona Virus.
Barashada Diinta islaamka waa waajib saaran qof kasta.