Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa xalay weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay deegaan ku dhow magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas lagu dilay Afar askari oo katirsanaa maleeshiyaatka Jubbaland, Waxey ciidamada Mujaahidiinta soo ganiimeysteen qori nuuca PKM-ka.
Dhanka kale waxaa wadada isku xirta degmada Bardaale iyo deegaanka Yurkud ee Baay iyo Bakool afar qarax lagula beegsaday kolanyo ah Kufaarta Xabashida Itoobiya, Waxaa qaraxyadaas lagu gubay Labo gaari tiro askar Xabashi Itoobiyaan ahna baqti iyo dhaawac ayeey ku noqdeen.