Fagaare kuyaal degmada Buq-aqabale ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay nin horay qof kale ugu dilay isla deegaan katirsan gobolka Hiiraan.
Maxkamadda wilaayada Islaamiga ah ayaa xukun qisaas ah ku ridday nin lagu magacaabi jiray Daa’uud Aadan Muumin kaasi oo horay udilay Daa’uud Qeyleey.
Ehellada ninka ladilay ayaa maxkamadda ku dacwaystay gacan ku dhiiglaha waxaana loo bandhigay in ay diyo qaataan,in ay cafiyaan ama ay qisaastaan waxayna doorteen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha sida ula kaca ah udilay wiilkooda.