Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan xarakada mujaahdiiinta Al-shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka dagaal culus ku qaaday saldhig maleeshiyaadka maamulka Ridada ee isku magacaabay Galmudug ay ku lahaayeen deegaan ka tirsan gobolka Mudug e bartamaha dalka Somalia.
Dagaalka oo ahaa mid cagmarin ah ayaa waxa lagala dul dhacay saldhigga maleeshiyaadka Ridada tuulada Shabeellow, waxana lasoo sheegaya in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare lixaad leh oo murtadiinta soo gaaray.
Ciidanka Mujaahidinta waxaa u suura gashay in gabi ahaanba la wareegaan tuulada iyo saldhiga uu weerarku ka dhacay oo lagu magacaabo Shabeellow oo hoos tagta deegaanka Bacaadwayn ee gobolka Mudug.
Maleeshiyaad faro badan ayaa ku halaagsamay weerarka, waxaana khasaaraha horudhaca ah ee la helay ay tibaaxayaan dhimashada 9 askari oo ka tirsnaa maleeshiyaadkii dowladda Ridada ee lagu weeraray Shabeellow, Waxaana sidoo kale Mujaahdiintu weerar qarax ah la eegteen maleeshiyaad gurmad u ahaa maleeshiyaadkii saldhigga lagu weeraray, waxyeello kala duwan ayaa gaartay.
La Soco Macluumaadka Soo Kordha Insha’Allaah.
Calamada.com