Guutada qaraxyada Mujaahidiinta xarakada Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Banaadir ayaa qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ku beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka dowladda Ridada Federaalka.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay xaafadda Afasiyooni degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu weeraray gaari uu la socday sarkaal sare oo ka tirsnaa nabad sugidda kooxda Farmaajo, kaas oo lagu khaarajiyay weerarka lala beegsaday.
Sarkaalkan halaagsamay ayaa magaciisa lagu soo koobay Nuur, kaas oo dhibaato ba’an ku hayn jiray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale weerarkan qaraxa ah ku dhaawacmay labo ka mida ilaaladii sarkaalka murtadka ah ee la khaarajiyay.
Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii u dambeeyay ku sii xogeysanayay weerarada mujaahidiinta ay ka fuliyaan gudaha caasimadda, kuwaas oo madaxyada looga guray saraakiil iyo askar ka tirsana maleeshiyaadka kooxda Ridada Somalia iyo ciidamada Kuffaarta afrikaanta.
Calamada.com