Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Ururka Al Qaacidda ee Jaziiradda carabta ayuu ku iclaamiyay in uu fashiliyay dhagar ay kooxo jawaasiis shisheeye kalkaal ah lamaaganayaan shacabka Yemen iyo mujaahidiinta.
Al Qaacidda ayaa xaqiijisay in Koox jawaasiis ah oo ay ku qabatay magalada Alsowmacah ee gobolka Albeydaa bartmaha wadanka Yemen ay u shaqeynayeen dowladaha Mareykanka,Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga.
Jawaasiista gacanta lagu dhigay ayaa diyaaradaha Drone-ka indha u ahaa waxayna maleegeen qorshayaal dilal ah oo ka dhan ah dad muslimiin ah, sida bayaanka lagu sheegay ubucda jawaasiista laqabtay waxay isku qarinayeen arrimaha caafimaadka waxaana kamid ah dhaqaatiir rag iyo dumar isugu jira.
Sawir lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay Al Qaacidda oo xukun daldalaad ah ku fulinaysa mid kamid ah Jawaasiirtii dhagar qabayaasha ahaa ee lagu qabtay magaalada Alsowmacah.
Dalka Yemen waxaa ka socda dagaal daba dheeraaday oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Jihaadiyiinta Al Qaacidda, sidoo kale waxaa wadanka isku haya isbahaysiga taxaalufka Carabta iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta dhammaantoodna waxay fulinayaan hal ajande oo ah in madaxa looga istaago muslimiinta sunniga ee mandiqada.