Dagaalyahan Istish-haadi ah oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerar geesinnimo leh ku beegsaday kolonyo huwan Ameerikaan iyo maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa deegaan dhinaca galbeedka kaga beegan duleedka magaalada Kismaayo.
Camaliyaddu waxay ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxaana lala eegtay ciidamo huwan maraykan iyo maleeshiyaad murtadiin Soomaali ah oo maalmihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday deegannada galbeedka kaga beegan magaaladaas.
Wararku waxay tibaaxayaan in weerarka oo aha mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu haleelay kolonyada isla markaana uu khasaare laxaad leh gaystay.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in labo diyaaradood oo nooca kuwa qummaatiga u kaca ay cagdhigteen madaarka magaalada Kismaayo kuwaas oo la rumaysan inay goobta camaliyadu ka dhacday ka daabuleen bakhtiga iyo dhaawacyada ay camaliyaddu gaystay.
Ciidamadan huwanta ee maantay camaliyadda Istish-haadiyada lagu weeraray waxay maalmihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen galbeedka magaalada Kismaayo, waxayna la kulmeen weeraro qaraxyo ah oo galaaftay nolosha ku dhawaad 10 askari iyo burburka gaadiid dagaal.
Faahfaahinta Khasaaraha Weerarka Waan Soo Gudbin Doonnaa Insha’allaah.
Calamada.com