War Saxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa taliska ciidanka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in camaliyadii istish-haadiga ee maalintii shaley lagu beegsaday ciidamada Mareykanka ay khasaare lixaadleh gaarsiisayey gumeystaha iyo dabadhilifyadiisa, islamarkaana halkaas lagu dilay afar askari oo American ah iyo 16 kamid ah maleeshiyaatka Soomaalida ee uu tababaro Mareykanka.
“Mujaahidiinta ayaa qaaday hawlgalkan istish-haadiga ah Iyagoo ku duulaya xogo sirdoon oo aad loo hubiyey, isla markaana fulinaya dardaaranka Allaah ee ah in gaalada lagu dilo goob walba oo ay joogaan, lagana xoreeyo dhulalka muslimiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidanka.
War Saxaafadeedka kasoo baxay hogaanka ciidanka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkan uu yimid iyadoo ciidamada saliibiyiinta Mareykanka ay sii xoojiyeen duqeymaha diyaaradeed ee ay ku beegsanayaan dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyagoo si gaar ah u beegsanaya goobaha ay ku badan yihiin dadka shacabka ah.
“Muddo sanado ah, ciidamada Mareykanku waxay wadeen duqaymo ay u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay ku beegsanayeen dadka muslimiinta ah ee kunool Soomaaliya, gaar ah deegaanada Wilaayaatka Islaamiga ah, iyagoo si bareer ah u bartilmaameedsanaya goobaha ay dadka shacabka ah ku badan yihiin, isla markaana si aan kala sooc laheyn u xasuuqaya dadka muslimiinta ah ee aan waxba galabsan” ayaa lagu yiri bayaanka.
Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Warsaxaafadeedka Taliska Ciidanka Mujaahidiinta.