Weerar Istish-haadi ah oo uu fuliyay geesi ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa lagu weeraray afaafka hore ee madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Camaliyaddan Istish-haadiga ah waxaa lagu beegsaday askar iyo saraakiil ka tirsan ilaalada madaxtooyada Villa Somalia, waxayna camaliyaddu dhacday xilli ay halkaasi ku sugnaayeen askar iyo saraakiil badan.
Sida ay wararku sheegayaan waxaa weerarkaasi ka dhashay khasaare laxaad leh oo soo gaaray saraakiil iyo askar ka tirsan maleeshiyaadka dowladda Ridada Federaalka ee ilaalada ka haya madaxtooyada Ridada.
Khasaaraha horudhaca ah ee murtadiinta kasoo gaaray camaliyadii Villa Somalia ayaa lagu sheegay ugu yaraan 6 askari oo isugu jira saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada villa Somalia ay weerarka ku dhinteen, iyo dhaawaca inka badan 10 kale.
Goobta uu weerarku ka dhacay oo ah meel si aada loo ilaaliyo ammaankeeda ayaa waxa markii ay camaliyaddu dhacday isku gidaamay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Ridada Farmaajo, waxaana la arkayay gawaarida ambalaasta oo kusii qulqulaya halka uu weerarku ka dhacay.
Shabaabul Mujaahdiiin ayaa sare u qaaday camaliyaadka Istish-haadiga ah ee lagu beegsanayo saliibiyiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta, waxaana uu weerarkan kusoo beegamaya xilli dhawaan weerar istish-haadi ah lagu beegsaday ciidamo huwan Ameerikaan iyo Baangaraaf Soomaali ah uu ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo kaasi oo dhaliyay khasaare badan.
Calamada.com