Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarad nuuca basaaska ah oo ay leedahay dowladda Mareykanka ay kusoo dhacday meel ku dhow magaalada Kismaayo.
Ciidamo katrsan wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa gacanta ku dhigay diyaarad yar oo ah nuuca wax basaas kadib markii ay kusoo dhacday meel aan sidaas uga fogeyn garoonka diyaaradaha Kismaayo oo uu kuyaal saldhig ay leeyihiin ciidanka Mareykanka.
Sida wararku sheegayaan diyaaradda oo ay ku xiranyihiin Kaamirooyin ayaa loo adeegsanayay ilaalinta saldhigga Mareykanka ee madaarka Kismaayo.
Dagaalyahannada Al Shabaab ee gacanta ku dhigay diyaaradda ayaa ula dhaqaaqay goob aan la aqoon iyagoo ka furfuray qalabkii ku xirnaa.
Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Janaay Cabdalle ee Afarta Askari looga dilay ciidamada Mareykanka ayay cabsi xooggan soo wajahday saraakiisha Americanka ee saldhigga ku leh duleedka magaalada Kismaayo.