Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey saacadihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan ka kala fuliyeen qeybo ka mid ah wilaayaatka Hiiraan Iyo Jubbooyinka.
Dhanka wilaayada Hiiraan waxey ciidamada Mujaahidiinta howlgal gaar ah ka fuliyeen degmada Beledweyne.
Howlgalka oo ah qarax waxa uu sigaar ah kaga dhacay galbeedka magaalada Beledweyne waxaa qaraxa lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan kooxda Ridada Somalia.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo Murtadiin ah kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin.
Dhanka Jubbooyinka waxey ciidamada Mujaahidiinta dagaal toos ah ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Jubbo-land ee Jaziirada Kudhaa ee gobalka Jubbada hoose.
Dagaalkan waxaa lagu dilay hal askari oo Murtad ah, Waxeyna howlgalada ka kala dhacay Jubbooyinka iyo Hiiraan kusoo aadayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan oo ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen degmada Jowhar ee Wilaayada Shabeelada dhexe ku dileen Wasiiro dowla ahna xildhibaan ka tirsan maamulka Ashahaado la dirirka Hirshabeelle kaas oo lagu magacaabi jiray Nuur Xaashi.
Calamada.com